Daawo Sawirada Daacish oo xoog looga Qabsada Garonka Diyraadaha magaalada...

Daawo Sawirada Daacish oo xoog looga Qabsada Garonka Diyraadaha magaalada Mosul , iyo Ciidamada Ciraaq oo Gudaha u Galay

0
SHARE

Milateriga Ciraaq ayaa dib u qabsaday garoonka diyaaradaha magaalada Mosul ka dib dagaal culus oo halkaas ka socday shalay illaa xalay.

Kooxda Daacish oo garoonkaas gacanta ku hayay ayaa hadda u guratay dhanka galbeedka magaalada.
Dagaalka lagu qabsaday ayaa qaatay saacado fara badan ayaa kooxda Daacish waxay weli madaafiic ku rideysaa garoonka.

Xoogaga kooxda ayaa isugu tagay xero military oo ku dhow garoonka diyaaradaha, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Ciraaq.

Bariga magaalada Mosul waxaa daacish laga qabsaday bishii aanu soo dhaafnay ka dib dagaalo socday dhowr bilood oo khasaare fara badan dhaliyey.

Run-weyga garoonka ee dayuuraduhu ay soo caga dhigtaan ayaa burbur xoogan uu soo gaaray, balse wararka ayaa sheegayaa in weli diyaarado ay ku degi karaan.

Goobta uu garoonka ku yaallo waxay isku xirtaa koonfurta iyo galbeedka Mosul, sida weriyaha uu sheegayo.

Kumannaan ka mid ah ciidamada dowladda Ciraaq oo garab ka helaya diyaarado ayaa weli doonaya in daacish ay ka sifeeyaan galbeedka Mosul.

Qeybaha daacish ay maamulaan waxaa horey loogu daadiyay warqado digniin ah oo ku saabsan howlgalka. Dadka waxaa looga digay inay jidadka isugu soo baxaan.

Qaramada Midoobeey waxay sheegeysaa in ay suuragal tahay in magaalada ay ku go’doonsan yihiin qiyaastii 650 kun oo qof.

Inkastoo Galbeedka Mosul ay ka yar-tahay dhanka Bariga, hadana waxaa loo arkaa meel dhib badan oo ay ku taallo degmo si weyn looga taageero daacish.






LEAVE A REPLY