Daawo Sawirada Dibad Bax Lagu Tageerayo Raysal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo...

Daawo Sawirada Dibad Bax Lagu Tageerayo Raysal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo Galkacyo Ka Dhacay

0
SHARE

Banaanbaxaan lagu tageerayay raysal wasaare xasan cali kheyre oo aysoo qaban qaabiyeen Maamulka Dagmada Galkacyo ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Galmudug iyo boqalaal dadwewynaa oo isugujiray bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaasi oo kala yimids xaafadaha magaalada galkacyo ee xarunta Gobalka mudug

Dibad baxaan ayaa intii uu socday waxaa halkaasi hadalo kasoo jeediyayqaar ka mida ka qeyb galayaashii kuwaasi oo sheegay in ay si weyn usoodhaweeynayaan magacaabista uu madaxweyne maxamed c/laahi farmaajo u magacaabay raysal wasaaraha Dalka mudane Xasan cali kheyre waxaanadhamaan ay si isku mid ah u taageereen raysal wasaaraha cusub ee Dalkaiyagoona kula dar daarmay in uu noqdo mid ku shaqeeya caddaalad iyo wadaninimo.

Ugu Danbeyna duqa dagmada Galkacyo ayaa ka hadlay dibad baxataageerada ah ee maanta ka dhacay magaalada Galkacyo ee Xarunta gobalka mudug  waxaana uu ka dhawaajiyay in ay soo dhaweeynayaan in madaxweyne Farmaajo uu soo xushay qofkii uu u arkay in ay ka wada shaqeyn karaan sidii dalka soomaaliya looga saari lahaa marxalada adag ee uu marayo isku soo baxa maantana uu yahay mid bulshada galkacyood ay ku muujinayaan sida ay raaliga uga yihiin xulashada madaxweynaha dowlada fadaraalka soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo

Waxaa Diyaariyay Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (C/risaaq Galkacyo)

Gaalkacyo/ Mudug Somalia

Tell=+252615571771
  +252678102580
 +25290756741

LEAVE A REPLY