Daawo Sawirada Haweeney loo Xiray in ay ka Danbeysay Dilkii loo Gaystay...

Daawo Sawirada Haweeney loo Xiray in ay ka Danbeysay Dilkii loo Gaystay Kim Jon Nam oo ay isku aabe ahaayeen Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un.

0
SHARE

Booliska Malaysia ayaa sheegay inay xireen Haweeney wadatay Dokumentiga safarka dalka Vietnam oo lagu tuhunsan yahay iney ka dambeysay dilkii Kim Jon Nam oo ay isku aabe ahaayeen Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un.

Waxay Booliska intaa ku dareen iney baadi-goobayaan shisheeye kale oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen dilkaas.

Haweeneyda ayaa lagu qabtay Garoonka dayuuradaha Kuala Lampur, kadib, markii laga aqoonsaday Kamerooyinka qarsoon ee CCTV oo ku rakiban Garoonka.

Saraaikiisha Booliska waxay sheegeen in Dokumentiga Haweeneyda wadatay uu ku qoran yahay magaca Doan Thi Huomg oo dhalatay 1998-dii.

Taliye Ciidanka Booliska dalka Malaysia, Nuur Rashiid Ibraahim ayaa sheegay inay ku raad-joogaan dhowr qof oo dhamaantooda ajnabi ah, balse ma sheegin magacyadooda, dalalka ay u dhasheen.

Kim Jong-nam oo aad u dhaleeceyn jiray qaabka uu walaalkii ka yar u xukumo dalka woqooyiga Kuuriya ayaa u dhintay weerar sun loo adeegsaday oo lagu qaaday isaga oo jooga garoonka Kuala Lumpur Isniintii.

Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Kuuriyada Koonfureed Hwang Kyo-ahn ayaa sheegay in haddii la ogaado in dilkaas ay ka dambaysay Kuuriyada Waqooyi ay taasi muujin doonto arxandarrida iyo sida bani-adamnimada ka baxsan ee ay u dhaqmayso.




LEAVE A REPLY