Daawo Sawirada Maxa ka Soo baxay Shir Albaabada u Xiran yihiin oo...

Daawo Sawirada Maxa ka Soo baxay Shir Albaabada u Xiran yihiin oo Muqdisho ay ku wada Qaateen C/weli Gaas, Sheekh Shariif, Cumar C/rashiid iyo Saacid

0
SHARE

Waxaa saacadihii la soo dhaafay Muqdisho ka soconayay Kulamo Xasaasi ah oo is daba joog ah oo ay yeelanayeen Musharraxiinta dooneysa in ay noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya 4-sano ee soo socota iyo Siyaasiyiin Miisaan ku dhax leh siyaasada Dalka.

Kulanaka ugu xasaasi-san ayaa Caawa waxaa uu ka socdaa Hoyga CCC Sharma’arke halkaas oo C/wali Gaas, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”oo ahaa Ra’isul wasaarihii ugu horeeyay ee Dowlada Xasan sheekh kula kulan san yihiin Musharrax Shariif Sheekh Axmed.

inkastoo Kulanka Albaabada u xiran yihiin waxaa hadana goob joog ka ah siyaasiyiin dalka caan ka ah, waxaana looga hadlayaa Arrimaha la xiriira Doorashada Dalka oo dhaceysa Maalinta arbacada soo socota Taariikhduna ay ku beegan tahay 8 February.

Saraakiil Ku dhow dhow Madaxda Hoyga CCC Sharma’arke ku shirsan ayaa inoo xaqiijiyay in dhinacyada ay sameysteen Isbaheysi xoog badan oo ka shaqeeya sidii dalka uu is bedel uga dhici lahaa Maalinta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Seddaxda Masuul ee kala ah Shariif Sheekh Axmed,CCC Sharma’arke iyo Gaas ayaa kala saxiixday Heshiis dhameystiran oo ka dhan ah Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiin kale oo ka mid ah kuwa u taagan Xilka Madaxweynaha inkastoo aan magacyadooda aanan helin.

Kulanka Ayaa ah kuwa caawa weli ka socda Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoyga uu degan yahay Musharrax Cuamar CC Sharma’arke iyadoo xili dambe ay isla soo gaareen dhinacyada kulanka uu u dhaxeeyo.

LEAVE A REPLY