Daawo VIDEO:-Xaflad lagu Taageerayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhacday Magaalada...

Daawo VIDEO:-Xaflad lagu Taageerayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhacday Magaalada London

0
SHARE

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London ayaa si wada jir ah Jimcihii xalay ahaa u qabtay munaasabad balaaran oo isugu jirtay soo dhaweyn iyo duco loo sameynayay madaxweynaha cusub ee dalka Md. Maxamed C/laahi Farmaajo kaasi oo dhawaan helay aqlabiyadda codadka labada gole ee dalka.

Munaasabada oo ay qaban qaabadeedu socotay muddo kooban ayaa lagu muujinayay taageerada Jaaliyadda reer London ay u hayaan madaxweynaha cusub waana marki ugu horeysay ee ay si wada jir ah jaaliyaddu u qabato xaflad heerkan oo kale ah.

Dadka ka soo qeyb galay oo isugu jiray masuuliyiin dowladda katirsan iyo dadweyne kale ayaa dhammaantood muujinayay dareen ah in isbadalka dalka ka dhacay loo baahanyahay in la taageero oo si wanaagsan loo barbar istaago.

Raysil wasaarihi hore Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay dowladda taageeraan si ay ugu guuleysato howlaha qaran ee laga doonayo in ay dadka iyo dalka u qabato.

Halkan Hoose riix si aad u daawato muqaaalka

LEAVE A REPLY