Dagaal Xoogan oo Cawa Maqribkii ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Dagaal Xoogan oo Cawa Maqribkii ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

0
SHARE

Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxay sheegayaan in weerar lagu qaaday Fariisimo ciidanka Dawlada iyo AMISOM ku leeyihiin Deegaankaasi.

Dagaal ayuu isku badelay weerar ciidan Hubeysan ku qaadeen Fariisimaha AMISOM iyo kuwa Dawlada ku leeyihiin halka loo yaqaano Arbacoow.

Dad deegaanka Ceelasha Biyaha kusugan ayaa waxay sheegeen in rasaas xoogan ay maqlayeen ilaa Caawa Salaadii maqrib laga soo baxayey iyadoo mararka qaar ay dhacayeen hubka culus ee madaafiicda Ah.

Saraakiisha Amniga ee kusugan Deegaanka Ceelasha Biyaha weli wax war ah kama soo saarin iskahorimaadka ka dhacay Caawa Maqribkii Deegaankaasi.

Xaalada ayaa markii dambe kusoo laabatay jawi degganaan ah lamana oga waxyeelada ka dhalatay Dagaalkaasi.

LEAVE A REPLY