HM_Xafiiska Gaalkacyo C/qaadir Maxamad Xuseen Guulled oo ah nin isku heystay inuu yahay Itoobiyaan ayaa ogaaday 31 sano kadib inuu yahay Muwaadin Somali ah kadib markii uusoo gaaray dagmada bandiiradleey ee gobalka mudug
C/qaadir oo hada ah 31 sano jir ayaa ku bar baaray Dalka Itoobiya Waxa barashada dugsiga sare-na wuu kaga baxay Halkaasi,waxaana intaa ka dib loo qoray Ciidanka Milatariga ee dalka .
C/qaadir ayaa hooyadiis waxay ka dhalatay qabiilka oramada ee dalka itoobiya wuxuuna aabihiis kasoo jeedaa dalka soomaaliya gaar ahaan qabiilka hawiye gaar ahaan sacad balse waxaa mudooyin badan laga qarinayay aabihiis oo markii hore loogu sheegay nin kale laakiin ugu dambayn hooyadiis oo geeriyootay ayaa uga tagtay dardaaran ah in aabihiis uu yahay sooomaali uuna udhashay dalka soomaaliya taasi Oo C/qaadir ku qasabtay in uu soomaaliya yimaado gaar ahaan dagmada bandiiradleey ee gobalka mudug oo hada lagu hayo
Halkaan Hoose Ka Dhagayso Waraysiga Oo Dhamaystiran