Dhageyso Ciidamada Galmudg iyo kuwa la socda oo u Dhaqaaqay Xarardheere ,...

Dhageyso Ciidamada Galmudg iyo kuwa la socda oo u Dhaqaaqay Xarardheere , Diyaarado Dagaal oo Camaarodul Heehaabaya iyo isgaarsiinta Hobyo iyo Xarardheere oo hawada laga Saarayo

0
SHARE

Ciidamada Maamulka Galmudug oo kaashanaya kuwa Kumaandooska Soomaaliya ayaa qaaday Duulaan ka dhan ah Degmada Xaradheere oo ay gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab.

Ciidamada Galmudug ayaa la sheegay saacadihii ugu dambeeyay in ay ka ruqaansadeen Degaanka Camaara ee Gobolka Mudug, waxayna u jiheesteen dhanka Degmada Xaradheere oo ay Shabaab maamulaan.

Hawada Degaanka Camaara iyo Degaanada ku dhow dhow ayaa waxaa ku dul heehaabaya Diyaarado Dagaal oo joog hoose ku socda.

Al-shabaab ayaa dhankooda dhaq dhaqaaq Ciidan waxa ay ka wadaan Degmada Xaradheere, halkaasi oo ay doonayaan in ay ka difaacdaan Ciidamada ku soo wajahan.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Galmudug oo la Hadlay Hobyomedia.com ayaa waxa ay sheegeen in aysan bixin karin macluumaadka la xiriira dhaq dhaqaaqa Ciidanka ay wadaan, balse qorshaha uu yahay Ciidanka in ay la wareegaan gacan ku heynta Xaradheere.

Halkan Hoose Riix si aad Codka u Dhageysato

LEAVE A REPLY