Dhageyso Dagaal Xoogan una Dhaxeeya Ciidamada Huwanta ee Galmudug ay Horkacayan iyo...

Dhageyso Dagaal Xoogan una Dhaxeeya Ciidamada Huwanta ee Galmudug ay Horkacayan iyo kuwa Alshabab oo ka Socda Gobalka Mudug ,Qasaaro Hordhac ah oo la Soo Shegayo Wararkii Ugu Danbeyay

0
SHARE

Deegaanka cadale oo udhaxeeya caad iyo ceelhuur oo katirsan gobolka Mudug ayaa xiligaan waxaa kasoconaya dagaal culus oo udhaxeeya Ciidamada Huwanta oo Galmudug ay Hor Kacayan iyo kuwa Maleeshiyada Ururka al shabaab

Dagaalka oo Bilowday Galinkii Danbe ee maanta ayaa Yimid markii Ciidamada galmudug iyo Kuwa la Socda ay kudhawadeen Fariisimaha Alshabaab ay kuleeyihiin Deegano Kudhow  goobo shabaabky ay maamulaan

Dadka Deganka Camaara oo la Hadlay Goordhaw Warbaahinta hobyomedia.com aya Sheegay in ku dhawaad 5 qof oo dhawac ah oo labada dhinac ah ay maqleen in la keenay meelo u dhaw halka dagaalka uu ka socda waxana ay dadka deganka ay shegeen in ay u xaqijiyeen dhawacyadaasi dadka reer miyiga ah ee hada lagu kor dagalamayo

Dagaalka oo wali socda aya  waxa dadka deganka camara ay shegeen in ay maqlayeen hubka nuucyadiisa kala duwan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan iyadoona qasaraha aan wali si toos ah loo xaijin karin

Halkan Hoose Riix si aad u Dhageysatid Codka

LEAVE A REPLY