Dhageyso Dagaalka Xarardheere looga Sarayo shabab oo la Cadeeyay in Ciidanka Puntland...

Dhageyso Dagaalka Xarardheere looga Sarayo shabab oo la Cadeeyay in Ciidanka Puntland ay la socda kuwa Huwanta ee Galmudug ay horkacayan ,Taliya Nabad sugida Galmudug oo ka Hadlay

0
SHARE

Taliska Nabad Sugidda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Markii ugu horeysay ka hadlay Howlgallo Ciidamo is garabsanaya ay ka Fuliyeen Koofurta Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Galmudug Saadaq Cumar Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Howlgalka Ujeedkiisu uu ahaa la dagaalanka Al-shabaab iyo Burcad Badeeda ku sugan qeybo ka mid ah Gobolka Mudug islamarkaana sidoo kale ay soo indho indheynayeen Goobta ugu Fiican ee Ciidamada Galmudug iyo Saaxiibada Caawinaya ay ka Furan karaan Saldhig Muhiim ah.

Taliyaha Nabad Sugidda Galmudug Saadaq Cumar Xasan ayaa mar uu ka Jawaabayay in Howlgalka ay qeyb ka yihiin Ciidamo ka socda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku Jawaabay”haah Ciidamada Galmudug iyo kuwa Puntland waa isku Qabiil oo Hal Cadaw ayey leeyihiin Cadawgana wey la dagaalamayaan”.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

LEAVE A REPLY