Dhageyso Dhawr arimood oo Dowlada Farmaajo sacuudiga ay u Balan Qaadeen .Maxase...

Dhageyso Dhawr arimood oo Dowlada Farmaajo sacuudiga ay u Balan Qaadeen .Maxase Sacuudiga isaga ka Doonayaan

0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib booqasho rasmi ah oo uu ku tagey dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka, aan walaalaha nahay ee Sucuudiga ayaa la kulmay boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo labadiisa dhaxal-suge isaga oo ka codsaday in ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada horumarinta, kaabayaasha dhaqaalaha, qaadista xayiraadda ganacsiga xoolaha iyo gurmadka abaaraha.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in dhammaan codsiyadii ay u bandhigeen dowladda Sucuudiga laga aqbalay, isaga oo intaas raaciyay in Ra’iisul Wasaaraha magacaaban, looga fadhiyo marka la ansixiyo ka dib, inuu dhiso guddiyadii dhaqan-gelin lahaa qodobada la isla meel dhigay

Halkan hoose Riix si aad Codka u Dhageysato

LEAVE A REPLY