Dhageyso Dowlada Somaliya oo ka hadashay Wadada Kaliya ee Ururka alshabaab loga...

Dhageyso Dowlada Somaliya oo ka hadashay Wadada Kaliya ee Ururka alshabaab loga guulaysan Karo

0
SHARE

Xildhibaan Xuseen Ciise Carab oo ka mid ah Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tilmaamay habka ugu haboon ee Dowladda Federaalka ay uga guuleysan karto la dagalanka Shabaab.

Xuseen Ciise Carab waxa uu sheegay xiriirka wada shaqeynta Ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka oo la wanaanijyo in ay tahay fursada keliya oo looga guuleysan karo ururka Al-shabaab, isagoo sheegay in Ciidanka xoogga tiradooda ay badan tahay, balse muhiim ay tahay in tayadooda sare loo qaado.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Ciidanka AMISOM dhowaan u qabtay in mudo 2 sano ah ay Shabaab kaga saaraan guud ahaan dalka.

Halkan Hoose Riix si aad Codka u Dhagaysato

 

LEAVE A REPLY