DHAGEYSO: Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheikh ” Dano gaar ah ayaa laga lahaa...

DHAGEYSO: Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheikh ” Dano gaar ah ayaa laga lahaa Bixinta Badda”

0
SHARE

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay Guushii  Soomaaliya ay kasoo hoysay Dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal dheer ay ku bixisay Guushaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay la kulantay handadaad iyo Cagajugleyn intii ay socotay Dacwadda badda.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay taageeraan dowladda Soomaaliya ,islamarkaana ay garab istaagan.

Jamhuriyadda Kenya waxaa ay diidmadeeda uga dalabtay Maxkamadda ICJ in ay caddeyso in aanay awood sharciyeed u lahayn in ay qaaddo dacwadda Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya, sidaa darteedna ay Maxkamaddu iska diiddo. Jamhruiyadda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ay u gudbisay Maxkamadda ICJ dacwad 28 Agoosto 2014 iyada oo ka dalabtay in la asteeyo soohdinta badda ee labada dal.

Halkan Hoose Riix si aad u Dhagaysatid Codka

LEAVE A REPLY