Dhageyso Madaxweyne Farmaajo oo ka Hadlay Colaada Gaalkacyo iyo Kala Xirnaanshaha Waqooyiga...

Dhageyso Madaxweyne Farmaajo oo ka Hadlay Colaada Gaalkacyo iyo Kala Xirnaanshaha Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo

0
SHARE

HM_Xafiiska Muqdisho Madaxweynaha Janhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabaddii caleema saarkiisa oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Sooamaliya ayaa waxa uu ka hadlay waxyaabaha uu qaban doono mudada uu xilka hayo Waxana uu sheegay  inuu xal buuxa u heli doono colaada gaalkacayo taasi oo mudo soo jirtay.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in waxyaabahaa uu xooga saari doono ay ka mit tahay dibu heshiisiinta shacabka soomaaliyeed iyo xasilinta dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu soo hadal qaaday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ah Magaallo ukala qaybsan Maamullada Galmudug iyo Puntland waxaana uu sheegay in Dowladiisu ay isku deri doonto Magaaladaasi Isla markaana dibu heshiisiin usameyn doono bulshada ku nool Magaalada Gaalkacyo.

Halkan Hoose Riix si aad Codka u Dhageysatid

 

LEAVE A REPLY