Dhageyso Madaxweyne Farmaajo oo xilka la wareegay Yaase ka Qayb Galay Xaflada...

Dhageyso Madaxweyne Farmaajo oo xilka la wareegay Yaase ka Qayb Galay Xaflada Xil Wareejinta

0
SHARE

Madaxweynaha cusub ee Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta oo Khamiis ah 16-ka Bishan February si rasmi ah ula wareegay Xafiiska shaqada Villa Somaliya, kadib maalmo uu ku shaqeynaayay Hotel Jazeera.

Xaflad kooban oo ka dhacday Xarunta Villa Somaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo xilkaasi uu kula wareegay, kadib markii Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka wareejiyay.

Xafiiska Shaqada Madaxweynaha ayaa la soo dhigay Qalab kala duwan oo intii Madaxweyne Xasan uu xilka haayay hadiyado kala duwan loogu keenay magaca Qaranka Somaliya, waxaana la tusay Saxaafadda, iyadoo qalabkaasi ay ka mid ahaayeen agab ka sameysan Dahab iyo Qalin.

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Codadka

 

LEAVE A REPLY