Dhageyso Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo arimo Xasaasi ah Daaha ka Qaaday

Dhageyso Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo arimo Xasaasi ah Daaha ka Qaaday

0
SHARE

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dowlad goboleedka Galmudug ay dhawaan bilaabi doonaan Dhismaha goleyaasha degaanka ee ay yeelanayaan degmooyinka dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa tilmaamay in Sanadkaan sidoo kale ay bilaabayaan Dhismooyinka Wadooyinka Magaalooyinka ku yaalla Gobolka Galmudug.

Shacabka kunool degaanada Galmudug ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan howlaha lagu dhisaayo goleyaasha degaanka.

Degmooyinka maamulka Galmudug ayaan wali la heyn Goleyaal degaan , waxaana hadda ay Galmudug ay doonaysaa in ay dhisto si loo baahiyo Nidaamka dowladnimada.

Halkan Hoose Riix si aad u Dhagaysatid Codka

LEAVE A REPLY