DHAGEYSO: Maxay tahay Sababta Faroole uu uga Tanaasulay Doorashada Madaxweynaha Soomaliya ee...

DHAGEYSO: Maxay tahay Sababta Faroole uu uga Tanaasulay Doorashada Madaxweynaha Soomaliya ee uu u Sharxnaa iyo Waxa ku Kalifay in uu Tanaasulo

0
SHARE

C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa sheegay sababta ka dambeysa in uu ka tanaasulo xilka Madaxweynaha in ay tahay Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya oo aad u farabadan.

Faroole, ayaa sheegay inuu fursad siinaayo Musharaxiinta isbedel doonka ah ee hankooda uu yahay talada dalka inay ku guuleystaan, waxaana uu ugu baaqay Musharaxiinta kale inay sameeyaan tanaasul ku aadan jagada ay doonayaan inay u tartamaan si musharaxiin kooban ay isugu soo haraan tartanka.

C/raxmaan Faroole, ayaa fariin u diray Xildhibaanada codka dhiibaya, wuxuuna sheegay in laga doonaayo inaysan codkooda ku bixin qabyaalada ama qarash intuba.

Halkan Hoose Riix si aad u Dhagaysatid Codka

LEAVE A REPLY