Dhageyso Nabadoon ka Soo jeeda Galmudug oo Muqdisho lagu Dhawacay .Faah Faahin...

Dhageyso Nabadoon ka Soo jeeda Galmudug oo Muqdisho lagu Dhawacay .Faah Faahin ka soo baxaysa Cida ka Danbeysay Dhacdadan la Soco

0
SHARE

Kooxo hubaysan ayaa toogasho ku dhaawacay mid ka mid ah ergooyinka dhowaan ka qaybgalay doorashada aqalka Baarlamanka Soomaaliya.

Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in nabadoon Cismaan Khayre ay dablay hubaysan ku toogteen Isgoyska Cali Kamiin ee u dhow garoonka degan ee Istadium Muqdisho, isla markaana uu soo gaaray dhaawac halis ah.

Nabadoonka ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ergooyinka wax ka soo doortay xubnaha baarlamaanka Somalia ee laga soo doortay Galmudug.

Kooxaha toogashada geystay ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo nabadoonka oo dhaawac ah loola cararay goobaha caafimaadka ,inkastoo Dilkan aysan cidna sheegan hadana dad qaar ayaa dilkaasi u aneenaya in ay ka danbeyeen ururka al shabaab Madama Horay Shabaab ay balan qadeen in cid walba oo siyaasada faraha la gasha uu dil xagooda uga xukuman yahay

Halkan Hoose Riix si aad Codka u Dhageysatid

LEAVE A REPLY