Dhageyso Waraysi Odayaasha Galmudug iyo Puntland oo Dib u Celinaya Geel la...

Dhageyso Waraysi Odayaasha Galmudug iyo Puntland oo Dib u Celinaya Geel la kala Dhacay ,Dhaca Geelaasi oo Sababatay in Gaalkacyo iyo miyiga Gobalka Mudg laga Dareemo hub Aruursi Labada Dhinac

0
SHARE

HM__ Xafiiska Gaalkacyo Faah faahin Dheeraad ah aya Ka Soo Baxaysa Xisaad ka Dhalatay Geel la kala Dhacay taasi oo ka Dhaacay Miyiga Gobalka Mudug Waxaan Xiisadaaasi ay u Dhaxaysay Xoolo Dhaqato ka kala Soo jeeda Deganada Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo Sidoo Kale Maamulka Puntland

Arinta Geela La kala Dhacay ayaa Dhalisay Xiisad Gaalkacyo laga Dhax Dareemay Waxaana Arintaasi iyada oo lagha Cabsi qabo in ay Galkacyo saameyso Waxaa Guda Galay in wax laga Qabto Qaar ka Mida Odayaasha Labada dhinac ee Magalada Galkacyo

Nabadoon Ali Diiriye Aloore oo ka Mida Nabadoonada Gaalakcyo oo u Waramay Wariye Hanad Abdi Farah aya Waxa uu sheagy in ay Dadaal dheeraad ah ugu Jiraan Sidii Geelaasi loo Wareejin Laha Waxana uu sheagy in saacadaha soo socda La Diyaariyay Qorshooyin dib loogu Celinayo Geela Dadkii laag Soo Dhacay si aysan u dhalan Dhibaato Kale

Nabadoon Cali Diiriye aloore oo kamid ah odayaasha gobolka mudug ayaa dhanka kale  sheegay in Labada Dhinac ay u Diyaar Garoobeen in si Nabad ah loo guda Galo dib u celinta Geelaasi

Maalmahan waxaa miiga Gobolka Mudug ka jira xiisad ku aadan geel laga dhacay xoolo dhaqato kasoo jeeda Galmudug waxana ka jira halkaasi hub aruursi sida wararka ugu danbeeyay ay sheegayaan,

Halkan Hoose Riix si aad u Dhagaysato Codka

LEAVE A REPLY