Dhageyso:Sababta keentay in ka Badan 120 Dalal ay ka soo qeyb galaan...

Dhageyso:Sababta keentay in ka Badan 120 Dalal ay ka soo qeyb galaan Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Somaliya oo la Cadeeyay

0
SHARE

Iyadoo Maanta Magaalada Muqdisho ay ka dhacday Caleema Saarki Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxmed Farmaajo taas oo ay ka soo qeyb galeen Madax badan oo ka socota Dalalka Caalamka iyo Marti Sharaf iyo Madaxweynayaashi Hore Dalka, sida Xasan Sheekh Maxamed iyo Shariif Sheekh Axmed iyo waliba qaar ka mid ah Hogaamiyahasha Maamul Goboledyada Dalka ka jira iyadoona Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka ay Goobta Xaflada ay ku sugnayeen iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada.

Siyaasi Abshir Maxamed Aadan  ayaa sheegay in Sababta keentay in ay ka soo qeyb galaan Madax badan oo ka socota Dalalka Caalamka Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay Tageeradii ay Shacabka Soomaaliyeed u Muujiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale waxa uu sheegay Beesha Caalamka ay ka soo horjeeday qaabka ay wax u Maamuleysay Dowladii tan ka horeeysay,islamarkaana waxa uuna sheegay in ay rajo wanaagsan ay ka qabaan Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya in uu wax badan uu Dalka ka qaban doono.

Halkan Hoose  Riix si aad Codka u Dhageysato

LEAVE A REPLY