Faah Faahino kasoo baxaya Ganacsade Caan ah oo caawa lagu dilay Magaalada...

Faah Faahino kasoo baxaya Ganacsade Caan ah oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

0
SHARE

Kooxo hubeesan oon heebtooda la garan ayaa caawa Degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Mid kamid ah Ganacsatada magaalada muqdisho.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabo Cismaan Tiirey ayaa lagu dilay afaafka hore ee Masjidka Dabaqeynka ee kuyaala xaafada Suuqa Xoolaha ,kooxihii dilka geestay ayaana goobta si deg deg ah uga baxsaday.

Ganacsadaha la dilay ayaa kamid ahaa masuuliyiinta Xaafada Daaru Salaam ee magaalada Muqdisho, walina lama oga cida dilka u geesatay ganacsadahaasi oon wax shaqo ah ku laheyn siyaasada isdiidan ee dalka ka jirta.

Ciidamada Amaanka gaar ahana kuwa Nabad Sugida ayaa dilka kadib gaaray halka lagu dilay ganacsadaha, walina lama soo sheegin dad loo soo qabtay dilkan caawa ka dhaaca magaalada muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa mararka qaar ka dhaca dilal loo geesto Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Odayaasha Dhaqanka, mana jirto inta badan cid sheegata masuuliyada dilalkaasi.

LEAVE A REPLY