Faah Faahino Qarax dad badan ay ku dhinteen oo ka...

Faah Faahino Qarax dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

0
SHARE

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo dad badan ku dhinteen uu ka dhacay Suuq kuyaala xaafada Kaawo Gadey oo katirsan Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Warar horu dhac ah ana helnay ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari weyn oo nuuca xamuulka qaada oo waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay oo ku qaraxay halkaasi.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay in ay aheed meel dad badan ay joogeen uuna ku yaalay suuq, waxaana qaraxaasi ka dhashay qasaaro aad u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

In ka badan 20-qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen qaraxaasi, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo badan, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay u gurmaday gaadiidka Ampalaasta iyo ciidamada Amaanka.

Waxii warar ah ee kusoo kordha qaraxan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY