Kulamo adag oo ka socda Muqdisho & Musharaxiinta oo ku guda jira...

Kulamo adag oo ka socda Muqdisho & Musharaxiinta oo ku guda jira ololahoodii ugu dambeeyey

0
SHARE

iyadoo maalin kaliya ay naga xigto xiliga la qabanayo doorashada sida weyn indhaha loogu hayo ee madaxweynaha Somalia ayaa hotelada waaweyn iyo xarumaha musharaxiinta waxaa laga dareemayaa mashquul sii xoogeysanaya saacadna saacadba ka dambeysa.

Musharaxiinta ayaa guda galay ololahoodii ugu dambeeyey doorashada, iyagoo kulamo adag oo toos ah la qaadanaya xildhibaanada baarlamanka ee dooranaya Madaxweynaha afarta sano ee soo socota hogaamin doona dalka.

Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in musharaxiinta qaar ay fureen boorsooyinka lacagta, iyadoo uu socdo gorgortan iyo wadahadalo adag.

Suuqa kala iibsiga codadka Xildhibaanada ayaa saacadba saacadda ka dambeysa kor u sii kacaya, bixinta lacagaha loo adeegsanayo doorashada ayaa halkii ugu sareysay gaartay xilligii Foosha Madaxweynaha cusub ayaana soo dhawaatay.
.
Wararka ayaaa sheegaya in musharaxiinta ugu cad cad qaarkood ay heysato dhaqaale daro weyn, iyagoo xildhibaanada ay kulamada la qaadanayaan ku dayaya iney la galaan heshiisyo hoose iyo balan-qaadyo jagooyin.

Qaar ka mid ah musharaxiinta ayaa la hadal hayaa in lagu qanciyey iney tanaasulaan inkastoo aysan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin, iyadoo 48-ka saacadood ee soo socda la filayo inuu si xoogeysto olalaha doorashada.

Dhafar siyaasadeed iyo daal aan yareyn ayaa musharax kasta iyo hawlwadeenadiisa ka muuqda, wallina howshu fari kama qodna xaaladuna sidaas ayey ahaan doontaa illaa doorashada lagu kala baxo.

LEAVE A REPLY