Kursigii lagu Celiyay Galmudug oo Doorashadiisa Maanta Mar kale ka Dhacday Muqdisho...

Kursigii lagu Celiyay Galmudug oo Doorashadiisa Maanta Mar kale ka Dhacday Muqdisho Yaase la Doortay Aqriso

0
SHARE

HM__Xafiiska Cadaado Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa ka dhacday  Doorashada Kursigii lagu Celiyay Maamulka Galmudug ee Aqalka Hoose ka tirsanaa.

Kursigaa ayaa horay waxaa ugu soo baxay C/qaadir Gaafoow Maxamuud,waxaana Hogaamiyaasha Madasha Qaran ay sheegeen in ay laaleen qaabka uu ku soo baxay oo ay ku sheegeen Musuq Maasuq.

Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Federaal iyo Madasha Wada-tashiga ayaa Labaduba isku raacay in Doorasho lagu celiyo illaa Shan Kursi.

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Doorashada Kursigii lagu Celiyay Maamul Goboleedka Galmudug ee Aqalka Hoose.

Doorashada Maanta ayaa waxaa ku soo baxay  Mar Kale C/qaadir Gaafow Maxamuud oo ahaa Xildhibaankii horay loogu celiyay Galmudug.

C/qaadir Gaafoow oo helay 50 Cod ayaa ka Guuleystay   Zakariye Maxamed Cosoble

LEAVE A REPLY