Madaxweyne Farmaajo oo Goordhaw Muqdisho ka furay shir heerkiisu sareeyo oo looga...

Madaxweyne Farmaajo oo Goordhaw Muqdisho ka furay shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayo

0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goordhaw xarunta xalane ee magaalada Muqdisho ka furay shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayo arimaha abaaraha ka taagan Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, Hay’adaha gar gaarka iyo sidoo kale qaar kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada dalka, waxaana shirka inta uu socdo looga hadli doonaa abaarta daran ee Soomaaliya ka jirta iyo sida loogu gurman karo dadka ay saameesay abaarta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shir gudoominaya shirkan goordhaw furmay ,waxaana hada socda khudbado ay jeedinayaan Madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa shirkan looga arinsanayo sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaarta daran saameysay.

Soomaaliya qeybo badan oo kamid ah waxaa xiligan ka jirta abaar daran oo dad iyo duunyaba saameesay, waxaana abaarta jirta ay sababtay geerida dad badan oo u geeriyooday baahi iyo haraad halka xoolo badana ay baaarta ku dhamaadeen.

Waxii Warar iyo sawiro ee kasoo kordha shirkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY