Saraakiil ka tirsan ciidanka dowlada oo lagu dilay dagaalkii saaka ka dhacay...

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowlada oo lagu dilay dagaalkii saaka ka dhacay Sh/hoose (Akhriso Magacyada)

0
SHARE

Waxaa soo baxaya faahfaaahino ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalkii saaka ka dhacay degaanadda War-maxan iyo Tixsiile ee gobolka Sh/hoose kaasoo dhexmaray ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo xoogaga Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku dhinteen dad badan oo ay ka jireen ciidamo iyo saraakiil ka tirsanaa labada dhinac.

Saraakiisha dhinaca dowlada weerarkaas ku dhimatay waxaa ka mid ahaa, Xuseen Cismaan Xeyle oo ahaa Abaanduulahii guutada 6aad ee Ciidanka xoogga dalka iyo Taliye Unug Maxamed Xasan Baakaati.

Geerida saraakiishaas ka tirsaneyn ciidamada Dowladda ayaa waxaa xaqiijiyey Maxamed C/llaahi Caraaye oo ah Taliye ku sugan goobihiii lagu dagaallamay

Caraaye ayaa beeniyay in Al-shabaab ay Gaadiid dagaal iyo saanad milatari la wareegeen, waxaana uu taas beddelkeeda sheegay in Ciidamada Dowladda ay dileen xubno ka tirsan Ciidankii Al-shabaab ee weeraray Saldhigayada War-maxan iyo Tixsiile.

Lama oga illaa hadda khasaaraha dhinaca Al-shabaab soo gaaray inta uu le’eg yahay hase ahaatee dagaaladan ayaa kuwo aad u xoog badan oo hakad geliyey socodka gaadiidka ee degmooyinka Afgooye iyo Wanle-weyn.

LEAVE A REPLY