Waa Sidee Xaalada Xarardheere ,Dadka Deganka oo Barakacaya iyo Ciidanka Galmudug oo...

Waa Sidee Xaalada Xarardheere ,Dadka Deganka oo Barakacaya iyo Ciidanka Galmudug oo kaabiga ku Haya Xarardheere

0
SHARE

Wararka aan ka helayno magaalada xarardheere ee gobalka mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo barakac xoogan oo ay samaynayaan shacabka ku nool dagmada xarardheere oo haatan ay gacanta ku hayaan alshabaab balse ay ku wajahan yihiin ciidamada galmudug iyo kuwa dawlada soomaaliya
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa xarardheere dul heehaabayay diyaarada dagaal taasi oo baqdin badan ku abuurtay shacabka halkaasi ku nool keentay in ay gur yahooda ka cararaan balse waxaa jira dadka qaar oo loo diiday in ay magaalada ka baxaan ayna ururka alshabaab ka hor istaageen

Sidoo kale Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowlada soomaiya oo ay la socdaan ciidanka nabad sugida galmudug aya ku soo siqaya degano ay maamulaan kooxda maleeshiyada ururka al shabaab waxana ciidamo ay dageen goobo kaabiga ku haya degano ururkaasi ay maamulaan
Arintaan ayaa imaanaysa xili Ciidanka galmudug ay ku sugan yihiin magaalada hobyo ayna isku diyaarinayaan in ay weerar ku qaadaan dagmada xarardheere ee gobalka mudug oo mudo sagaal sano ay ay gacanta ku hayaan ururka alshabaab

 

LEAVE A REPLY