Faahin Cusub Raggii fuliyey dilalkii Siyaasin Caan ah oo Galmudug ka soo...

Faahin Cusub Raggii fuliyey dilalkii Siyaasin Caan ah oo Galmudug ka soo jeeda oo gacanta lagu dhigay

0
SHARE

Taliska ciidamada nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa goor dhow shaaciyey iney gacanta ku soo dhigeen saddexdii nin ee fulisay weeraradii dilka iyo dhaawaca sababay ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Saraaakiisha NISA faahfaahin kale kama aysan bixin raggan oo tiradooda ay ku sheegeen saddex nin oo hubeysan.

Saacado ka hor ayaa war soo saartay NISA waxay ku sheegtay iney xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ka soo qabteen gaarigii lagu fulyey weeraradii maanta ka dhacay Muqdisho, ayna ciidamadu howlgalo ka wadaan, meel aan ka fogeyn halka gaariga laga helay.

NISA waxay sheegtay in ciidamadu ay daba joogeen gaarigaas iyo ragga watay oo la aaminsan yahay iney ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab ee dagaalada kula jirta dowlada Somalia iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

Kooxo hubeysan ayaa maanta Muqdisho ka fuliyey labo weerar, iyadoo weerarka hore oo ka dhacay isgoyska Ceelgaab ku dhaawacay taliye kuxigeenkii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya Xasan Dheere.

Weerarka labaad oo isna ka dhacay isla maanta degmada Hodan ayaa raggan hubeysan oo watay gaari waxay rasaas ku fureen gaari uu la socday afhayeenkii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamad Cumar Hagafeey oo isla goobtaku geeriyooday.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda labada weerar ee maanta Muqdisho ka dhacay.

LEAVE A REPLY