Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo Goordhaw kamid Noqday Xildhibaanada Aqalka Hoos

Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo Goordhaw kamid Noqday Xildhibaanada Aqalka Hoos

0
SHARE

Waxaa goordhaw doorasho ka dhacday Xarunta Iskool Buluusiya ee magaalada Muqdisho lagu doortay Mid kamid ah Kuraastii shanta ahaa ee Guddiga doorashada Heer Federaal iyo Hogaamiyaasha Madasha ay kal hore dib u celiyeen.

Doorashada goordhaw ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay Kursiga Beesha Jidle , waxaana kursigan kusoo baxay Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Xukuumada Mohamed Abdullahi Nuux.

Wasiirka ayaa ka guulestay Musharaxiin qaab malxiis ahaan Doorashada uga qeyb galayay, waxaana Doorashadan qaadacay Musharaxiintii horey ula tartamay Wasiirka Doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar.

Odayaasha Dhaqanka Beesha Jidle ayaa la sheegay in aysan ka war heyn doorashada maanta ka dhacday, waxa ayna Odayaasha qaarkood sheegeen in dadka doortay Wasiir Nuux ay yihiin kuwa uu jeebkiisa kasoo qortay.

Wasiir Nuux ayaa lagu eedeeyay in uu rabsho ka abuuray Doorashadii horey uga dhacday magaalada Jowhar markii uu ogaaday in doorashada looga adkaanayo, waxaana Guddiga Doorashada horey uga mamnuuceen in uu mar kale kursigaasi u tartamo.

Doorashada ku celiska ah ee Shantii Kursi ee dib loo celiyay ayaa u muuqta mid ah Shimbirayahow heesa oo lagu qaldayo Beesha Caalamka, waxaana afar kamid ah Kuraastaasi kusoo baxay Xubnihii markii hore dib loo celiyay.

LEAVE A REPLY