Aqriso Sababta Ahlusunna ay u Dalbatay in Dib loogu Dhigo Doorashada Madaxweynaha...

Aqriso Sababta Ahlusunna ay u Dalbatay in Dib loogu Dhigo Doorashada Madaxweynaha Galmudug

0
SHARE

War ka soo baxay Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya ayaa lagu dalbaday in dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo loo Asteeyay in la qabto 10-ka Bisha soo socota.

Warsaxaafedeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Sheekh Shaakir Cali Xasan ayaa lagu sheegay in ay doonayaan in dib loo dhigo Doorashada,waxaana lagu taageeray Go’aankii Ra’iisul Wasaaraha ka soo baxay oo dhigayay in Doorashada dib loo dhigo 45 Cisho.

Maamulka Ahlusunna ayaa Horay U sheegay in ay ka Qeyb Qaadandoonaa Doorashada Maamulka Galmudug, Dalabkaan Ka yimid Maamulka Ahlusunna ayaa Yimid Kadib Markii Xildhibaanada Maamulka Galmudug ay Dhawaan Go’aamiyeen in 10 Bisha Soo Socota La Qaban Doono Doorashada Madaxtinimo Ee Maamulkaasi.

LEAVE A REPLY