Buuq Xoogan oo wali uu ka Tagan yahay Ansixintii Liiska Golaha Wasiirada,Maamul...

Buuq Xoogan oo wali uu ka Tagan yahay Ansixintii Liiska Golaha Wasiirada,Maamul Gobaleed Go,aan qaatay Shegayna in Ra,iisul Wasare ay iyagu Magacabayan?

0
SHARE

HM Muqdihso – Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aaadan ayaa Sheegay In uu Soo Magacaabayo Ra’iisul Wasaare uu Yeesho Maamulkiisa Hadii La Ansixiyo Xubnaha Wasiirada Uu Soo Magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Arrintan ayaa noqon doonta mid layaab ah, hadii uu ku dhawaaqo Ra’iisul Wasaare, isla markaana maamul goboleed uu isla meel dhigo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale  Shariif Xasan ayaa Baarlamaanka Soomaaliya Ka Codsaday In ay Si Degdeg Ah U Ansixiyaan Gollaha Wasiirada Cusub Ee Dhawaan uu Soo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah Ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Dad badan ayaa aaminsan in tallaabada uu qaadayo Shariif Xasan oo uu ku doonayo inuu ku magacaabo Ra’iisul Wasaare uu yeesho maamulkiisa ayaa ujeedkeedu yahay inuu ku yareeyo culeyska kaga soo wajahan Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkiisa, kuwaasoo dhowaan mooshin ka dhan ah ka diyaariyay.

LEAVE A REPLY