Cabdi Kariin Xusen gulled Madaxweynihii Hore ee Galmudug oo ka hadlay Dalabka...

Cabdi Kariin Xusen gulled Madaxweynihii Hore ee Galmudug oo ka hadlay Dalabka Ahlusunna ay ku Codsaden in Doorashada Galmudug dib loo Dhigo ,

0
SHARE

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku baaqay in la tixgeliyo dalabka ka soo yeeray Maamulka Ahlusuna Wal-jameeca ee ahaa in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha ee lagu wado inay dhacdo 10-ka bisha April.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku soo bandhigay talooyin uu u jeedinayo Maamulka Galmudug iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in laga faa’ideysto casharadii laga bartay mushaakilaadkii la soo deristay Galmudug iyo iyo in aan lagu deg degin doorashada Madaxweynaha.

Halkan hosoe ka akhriso tala soo jeedinta C/kariin Guuleed:-

TALO SOO JEEDIN

Ayadoo laga Anbaqaadayo wararka niyadwanaaga iyo yadadiisha leh ee ka soo baxay Maamulka Ururka.Culumada Ahlu Sunna, lana tixgalinayo taladii Raisu Wasaare Xasan kjeyre, lagana faaideysanayo casharadii laga bartay mashaakilaadkii la soo darsay Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo khaladaadkii horay loo soo maray, ayaan waxaan Mas’uuliinta iyo Xildhibaanada iyo Dadweynaha Reer galmudugba u soo jeedin lahaa talooyinkaan soo socda:

1. In Mas’uuliinta Galmudug ay si niyad wanaag u soo dhaweeyaan warka yadadiisha leh ee ka soo yeeray dhanka Maamulka Culumada Alhu Sunna, ayna muujiyaan tanaasul kasta oo keeni kara maamul mideysan oo ka hana qaado Gobalada Dhexe.

2. Inaan lagu deg degin Doorashooyinka Galmudug oo fursad la siiyo jawiga wanaagsan ee haatan bilowday.

3. In Dowladda dhexe ay dadajiso dhameystirka wadahadalada labada dhinac si uu u soo baxo maamul Galmudug oo modeysan meeshana looga saaro kala.qoqobnaantii iyo kala qeybsanaantii.

Bishii hore ee February ayay aheyd markii C/kariin Xuseen Guuleed uu iska casilay xilka Madaxweynaha Galmudug, sababo caafimaad awgeed.

LEAVE A REPLY