Daawo Dhaqaatiir uu ka Mid yahay Dr C/Risaaq Axmad Dalmar oo ka...

Daawo Dhaqaatiir uu ka Mid yahay Dr C/Risaaq Axmad Dalmar oo ka Qayb galay Furitaanka isbitaalka Degaanka bandiiradley oo Xariga Laga Jaray

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Xilli  ay jiraan baahiyo dhanka adeegyada caafimaadka oo ka jira deegaanada gobalka mudug kuwaasi oo  sababa mararka qaar in daawo la aan ay naftooda halis ugasho dad farabadan oo ku nool deegaanada ay ku yar yihiin adeegyada caafimaadka ayaa waxaa maanta si rasmi ah xariga looga jaray xarun caafimaad oo laga hirgaliyay deegaanka Bandiiradleeyoo ka mid ah meelaha ay ka jiraan dhibaatooyinka la xariira dhanka adeegyada bulshada oo ay ugu horeyso mida caafimaadka.
Xaruntaan caafimaad oo lagu wado in eey si bilaash ah ugu qabato adeegyada caafimaadka ee ay u baahan yihin bulshada deegaankaasi iyo deegaanada la xariira ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay munaasabada xariga looga jaray xarunta caafimaad qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka kuwaasi oo sheegfay in ay baahi weyn u qabeen.
Agaasimaha isbitaalka weyn ee magaalada galkacyo maxamed cabdi axmed ayaa isna ku booriyay bulshada deegaanku in ay ka wada shaqeeyaan howsha shaqo ee isbitaalka Dr;C/risaaq Axmed Dalmar oo ku hadlayay magaca hay’adaha iska kaashaday furitaanka isbitaalkan cusub ayaa sharaxaad ka bixiyay qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalku iyo waxyaabaha ka dhiman ee loo
baahan yahay in la dhameystiro

Waxa uu xusay in ay haatan ladiyaariyay ilaa afar qeybood oo kala ah qeybta bukaan eegtada qeybta gar gaarka dag dagaa qeybta sheybaarka iyo qeybta hooyada iyo dhalaanka waxaana uu Dr-ku uu sidoo kala sheegay in ay dhiman yihiin qeybo ay ka mid tahay mida lagu daaweeyo cudurada faafa oo loo baahan
yahay in iyadana la hirgaliyo.
Duqa Dagmada Galkacyo Xirsi yuusuf barre oo isna munaasabada furitaanka isbitaalka ka hadlay ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay isbitaalka isagoona uga mahad celiyay hay’adihii iyo shaqsiyaadkii iska kaashaday hirgalinta isbitaalka.

 Ugu danbeyn  mahad caabi ciise oo ku hadlayay isna magaca wasaarada caafimaadka ayaa xusay in ka wasaarad ahaan ay kaalintooda ka qaadan doonaa howlaha shaqo ee isbitaalka iyo dhameystirka wixii dhiman 

 

LEAVE A REPLY