Daawo Qarax Xoogan oo goordhaw ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Daawo Qarax Xoogan oo goordhaw ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
SHARE

Qarax xoog leh ayaa goordhow ka dhacay bar koontarool oo ku yaal  golaha murtida iyo madadaalada ama Tiyaatarka magaalada Muqdisho iyadoo qaraxaasina uu ahaa mid ka dhashay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay.

 

Qaraxan ayaa waxaa ay wararku sheegayaan inuu ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah, waxana qaraxan uu ahaa mid dhacay xilli gaadiid iyo dad badan ay marayeen isgoyska Tiyaatarka.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan lala beegsaday fariisin ay Ciidanka Amniga degganaayeen  waxaase qaraxa ka hor la sheegay in Askari katirsan kuwa Meliteriga uu isku dayey inuu joojiyo gaarigaasi balse uu ku naf waayey is hortaagii uu sameeyey.

Qaraxaasi waxa ku dhintay inta dowladu xaqiijisey 5 ruux waxaana ku dhaawacmay 10 kale,qaar ka mid ah dadka waxyeeladu soo gaartay ayaa ciidan halka qaar kalana ay yihiin dad rayid ah. Qaraxan ayaa waxaa sidoo kale ka dhashay burbur xoog leh oo soo gaaray dhismooyinka ku dhow dhow halka uu qaraxu ka dhacay.

Gaadiidka gar gaarka deg dega ah ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxaana ay wadaan daad gureynta dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay.

Qaraxan ayaa ahaa mid ku soo beegmay xilli maanta ra’iisal wasaare Kheyre uu ku dhowaaqay golaha wasiirada dowlada cusub.

LEAVE A REPLY