DAAWO: Saraakiisha Ciidamadii la wareegay Koontaroolka Garoowe iyo Gaalkacyo oo Go’aan...

DAAWO: Saraakiisha Ciidamadii la wareegay Koontaroolka Garoowe iyo Gaalkacyo oo Go’aan culus ku dhawaaqay Shegayna in Gaas ay Xoog isaga Tuuri Doonaan & Xiisad Culus oo Taagan

0
SHARE

Saraakiisha sare ee Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxweynaha Puntland ee ku saabsanaa mushaarka ciidamadaasi.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen xerada 54aad ee duleedka magaalada Garowe ayay ku shaaciyeen in 30 bilood oo mushahaar ah ka maqan tahay qaar ka mida ciidamada Daraawiishta.

Taliye ku xigeenka guud ee ciidanka Daraawiishta Dowlada Puntland General Dayr Xaaji Cabdi, Taliyaha ururka taliska Gaashaanle sarre Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax) iyo Afhayeenka Ciidanka Daraawiishta Gaashaanle sare Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle) ayaa dalbaday in xuquuuqda ay u taagan yihiin.

Waxay ka dalbadeen Baarlamanka, Hay,adda Xuquuqul Iinsaanka, iyo Gollaha Garsoorka inay kala saaraan iyaga iyo xukuumadda oo uu ku eedeeyay inay ku fashilantay bixinta mushahaarka iyo xuquuqda ciidanka.

Halkan Hoose Riix si aad u Daawato Muqaalka

LEAVE A REPLY