Daawo Sawirada Bulshada Degamada Ceelguula ee Galmudug oo loo Qabtay...

Daawo Sawirada Bulshada Degamada Ceelguula ee Galmudug oo loo Qabtay Tababar Muhiim ah

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Iyadoo ay  jiraan tacdiyo iyo xadgudbyo ka dhan ah xuquuqul insaanka taas  loo geysto mararka qaar dad aan waxba galabsan ayaa waxaa dagmada Ceel guula lagu qabtay maanta siminaar lagu  baranayay sida loo ilaalin karo xuquuqul insaanka iyo waxa ay ka qabto diinteena islaamku ku xadgudubka sharafta iyo kaaramada bini aadamka

Siminaarka oo ay iska kaashanayeen  Hay,ado iyo Ururo ayaa waxaa ka qeyb galay Masuliyiin ka tirsan kuwa maamulka Dagmada Ceel
Guula iyo ku dhawaad 50 qof oo matalayay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Dagmadaasi.
Furitaanka siminaarka  ayaa ugu horeyn waxaa  ka hadlay Injineer Cumar Maxamuud Rooble (Cumar Suuri) oo ku Hadaly Magaca Hay,adaha Barnamijkan Waday waxaana uu sharaxaad guud ka bixiyay Ajandaha lagu baranayay mudada uu socdo isagoona xusay in laba arimood looga doodi doono kuwaasi oo kala ah ilaalinta Xuquuqda bini aadamka iyo sida bulshada looga wacyi galin karo falalka xun xun ee Burcad badeednimada iyo wixii la mid ah.
(Sida lay idiin sheegay mowduuca maanta aan unimid ama work shopka aan qabaneyno wuxuu ku saabsan yahay waxa la yiraahdo xuquuqul insaanka waa maqasheen wax badan xuquuqul insaan ama idaacadaha iyo tvyada waad
ka maqashen  mowduucaas ayuu ku saabsan yahay waxaanan rabnaa inaan halkaan ku yeelano aqoon isweydaarsi ama fikir is dhaafsi waxa looyaqaano burcad badeeda iyoi wixii la halmaala  ku saabsan )

Cabdi Maxamed Guure oo ka mid ahaa masuliyiinta Dagmada Ceel guula ee ka qeyb galay siminaarka ayaa mahad celin kadib sheegay in ay muhiim u tahay bulshada reer ceel guula in lagu baraarujiyo ilaalinta xuquuqul
aadanaha.

Halkan hoose ka Daawo Sawirada 

LEAVE A REPLY