Daawo Sawirada Culumada iyo Ganacsatada somaliyed ee Kenya oo Lacago ku Wareejiyay...

Daawo Sawirada Culumada iyo Ganacsatada somaliyed ee Kenya oo Lacago ku Wareejiyay Gudiga Abaaraha Gobalka Mudug ee Galmudug

0
SHARE

Gudiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Mudug ayaa la Wareegay Lacag dhan 50kun oo Doolar oo ay Soo Dhiibeen Culimada iyo Ganacsatada Somaaliyeed ee Kunool Dalka Kenya

Munaasabad Kooban oo Gudigu Ay Deeqdan Kula Wareegayeen kana dhacday Magaalada Gaalkaco Ayaa Waxaa Kasoo Qeybgalay Masuuliyiinta Maamulka Gobolk mudug,kan degmada Gaalkacyo  Waxgaradka Gobolka,Ururka Haweenka iyo Dhalinyarada Gobolka Mudug

Ugu Horeen Waxaa Munaasibada Ka Hadlay Cali Tahliil Xasan fanax oo wakiil uga ahaaeda lacagta ah ee ka timidid culimada iyo Ganacsatada Dalka Kenya Gaar ahaan Nayroobi iyo Mombasa Waxa uuna tilmaamay in deeqdan lacgta dhantahay 50kun oo doolarka Maraykanka ah Looguna Tala galay in gurmad loogu sameeyo dadka ay abaartu ku saamaysay Deegaanada Gobolka Mudug ee Galmudug.

Waxa uuna ku wareejiyay Cabdul Jaamac dharas Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Mudug.

Munaasabadda Wareejinta Lacagtan ka timid Culimo udiinka Soomaaliyeed iyo Ganacsatada Dalka Kenya Waxaa ka hadlay Masuuliyiin ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Mudug Maamulka Gobolka Mudug,kan degmada Gaalkacyo,Ganacsato iyo qayabaha bulshada oo dhamaan si isku mid ah ugu duceeyay Walaalihii Soo dhiibay in badal ka wanaagsan Ugu badalo

Deeqadan Lacaceeed oo ah tii Ugu badnayd ee soo gaarata Guddiga Gurmadka Abaaraha Gobolka Mudug ayaa ku soo beegmaysa Xilli ay isa soo tarayaan dhacdooyinka la xariira saamaynta abaartu ku reebtay deeegaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug

LEAVE A REPLY