Daawo Sawirada Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Hobyo oo Meel Wanagsan Maraya

Daawo Sawirada Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Hobyo oo Meel Wanagsan Maraya

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Dib u Dayactirka Garoonka Diyaaradaha ee Hobyo ayaa Hada Maraya Meel Wanagsan waxana shaqada ay u socoto sidii loogu Talagalay iyadoona Gudaha Airborta Hobyo ay ku sugan yihin  Engineero Sar Sare iyo Sidoo kale  Shirado qayb ka ah dhismaha garoonka Diyaradaha Magaalada Hobyo

Wariyaal ka Tirsan Warbaahinta Calamiga ah ee Hobyomedia.com aya Safar shaqo ku Tagay Magalada Hobyo si ay u soo arkaan garoonka diyaaradaha Hobyo iyo Sida ay Shaqada uga Socoto waxana Qaar ka Mida Engineerada iyo Sidoo kale Shirada Dhisaysa ay Hobyomedia.com u shegeeen in ay  ku rajo wayn yihiin in dhawaan la soo afjaro dhismaha garoonkaasi

Waxa sidoo kale ay shegeen in Hada hawusha ay marayso Meel Gaban Gabo ah isla Markana ay soo dhaw dahay rajooyin iyo riyo mudo badan ay ku taamayeen dadka reer hobyo taasi oo ah in la arko hobyo oo ku xiranta meelaha kale ee somaliya isla markana diyaradaha ay ka duulan garoonka hobyo kuna soo dagaaan

Garoonka Diradaha Hobyo ayaan shaqayn mudo badan waxaase la  wada dib u dayactir lagu hawulgalinayo garoonkaasi waxana ay ahayd sanad ka hor marki diyaarad sahan ahayd oo ay saarnayed dad rakaab ah ay ka dagtay garoonkaasi waxana markaasi ka dib la bilaabay dib u dayactir balaran oo garonkaasi lagu Sameysanayo

Ku Xirnaw Hobyomedia.com Markasta

Halkan Hoose Ka Daawo Sawirada

LEAVE A REPLY