Daawo Sawirada Maalinta Haweenka Aduunka oo Gaallkacyo si Wadajir ah Maamulada Galmudug...

Daawo Sawirada Maalinta Haweenka Aduunka oo Gaallkacyo si Wadajir ah Maamulada Galmudug iyo Puntland ay ugu Qabteen

0
SHARE

Munaasabadaan oo aheyd mid ka duwan kuwii hore ee lagu maamuusi jiray maalinta haweenka aduunka ee 8da maarso ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan kuwa maamulada Galmudug iyo puntland iyo
boqalaal hawewen ah oo ka kala socaday ururada haweenka Gobalka mudug ee labada maamul.

Munaasabada oo inteeda badan looga hadlay ahmiyada nabada iyo isdhaxgalka bulshada gobalka mudug ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlaygudoomiyayaasha dagmada Galkacyo ee Galmudug iyo Puntland Xirsi yuusuf Barre iyo Maxamuud Yaasiin kuwaasi oo ku dheewraday ka hadalka ahmiyada ay leedahay nabada iyo isdhax galka bulshada iyagoona balan qaaday in ay hormuud u noqan doonaan sidii loo soo afjari lahaa colaada kusoo laa laabatay magaalada galkacyo ee xarunta gobalka mudug sidoo kalana laga wada shaqeyn doono sidii dib loogu furi lahaa
wadooyinka wali xiran tan iyo dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2016 markii dagaalku uu ka qarxay xaafada garsoor ee  galbeedka magaalada
galkacyo.
Sidoo kale waxaa iyaguna ka hadlay munaasabada gudoomiyayaasha ururada haweenka gobalka mudug ee Puntland iyo Galmudug Xaawo C/laahi iyo maymuun Cali nuur Geyfane kuwaasi oo ka dhawaajiyay in haweenka gobalka mudug ay diyaar u yihiin in ay u istaagaan bad baadinta
ubadkooda

Munaasabadaan oo intii ay socatay ay qudbado kala duwan oo dhanka nabadaa kasoo jeediyeen qaar ka mida ka qeyb galayaashii xaflada lagu maamusayay maalinta haweenka aduunka ayaa ugu danbey waxaa munaasabada
soo xiray gudoomiye ku xigeenka Arimaha maamulka iyo maaliyada Gobalka Mudug ee Galmudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar isagoona ku booriyay bulshadsa galkacyo in ay uwada istaagaan ka shaqeynta nabada gobalka

LEAVE A REPLY