Daawo Sawirada Madaxweynaha Somaliya oo Soo Dhawayn Heer Qaran ah loogu Sameyay...

Daawo Sawirada Madaxweynaha Somaliya oo Soo Dhawayn Heer Qaran ah loogu Sameyay Kenya , Labada Dal Madaxweynayaashooda oo Kulmay

0
SHARE

HM__Xafiiska Kenya Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dhiggiisa Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi, halkaasoo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay

 

Labada Madaxweyne ayaa salaan ka qaatay cutubto ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Kenya, waxaana loo garaacay astaanta Qaranka ee Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa kulan albaabada u xiran yeeshay, waxaana ay ka wada hadlayaan xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga, amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Labada Madaxweyne ayaa la filayaa inay kala saxiixdaan heshiisyo kala duwan, iyadoo si wada jir ah u qaban doona shir jaraa’id.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho 3 cisho uga bilaabatay dalka kenya, waxaana uu 25-ka bishan uu kaga qeyb galayaa shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga.



LEAVE A REPLY