Daawo Sawirada Musharax Madaxweynaha Galmudug Prof Shirwac oo Kulan Muhiim ah la...

Daawo Sawirada Musharax Madaxweynaha Galmudug Prof Shirwac oo Kulan Muhiim ah la Qaatay xubna ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug

0
SHARE

HM_Xafiiska Gaalkacyo Prof Cabdiqaadir Maxamed Shirwac ah oo musharax u taagan xilka madatimada Galmudug islamrkana mudooyinki dambe waday olole xoogan oo ku aadan doorashada Madaxtimada Galmudug ayaa waxaa uu kulan is xog wareysi ah uu la yeeshay qaar ka mid ah golaha wasiirada dowlada Galmudug isagona kala hadlayay xaalada deeganada galmudug iyo sidii loo hormarin karo gobolada iyo dagmooyinka Galmudug.

Shirwac ayaa sheegay in ay ka go’antahay in uu qeyb qaato hormarinta Galmudug iyo sidii shacabka ay haysto abaaraha loo caawin lahaa madama hadda ay jirto xaalad adag oo dhinac nolosha ah.

Qaar ka mid ah golaha wasiirada galmudug oo dhankooda hadlay ayaa sheegay in musharaxa Madaxweynaha Galmudug ee Shirwac uu yahay shaqsi hadda isku keenin kara shacabka Galmudug kana qeyb qaadan kara hormarinta deeganada Galmudug iyagona si wada jir ah u balan qaaday in ay la shaqeyaan doonan si ugu guuleysto hogaanka Galmudug.

Hoos ka Daawo Sawiro

LEAVE A REPLY