Daawo Sawirada Musharax Prof C.Qadir Shirwac oo Sweden uga Qayb Galay ShirkiiWadatashiga...

Daawo Sawirada Musharax Prof C.Qadir Shirwac oo Sweden uga Qayb Galay ShirkiiWadatashiga Beelweynta Habargidir oo Sweden Lagu Soo Gaban Gabeyay

0
SHARE

Shir socday mudo 3 maalin ah isla markana looga tashanayay midnimada beelaha Habargidir ayaa ku soo dhamaaday Caasimada Dalka Sweden kaasi uu ka qeyb galay musharax Cabdiqaadir shirwac,,

Jaaliyada Beesha ee ku Sugan Dalalka Sweden, Norwey, Finland, Denmark, Nederland, UK, iyo dalka Canada Ayaa ka qeyb galay Waxana looga soo saaray qodob Muhiim ah oo kulanka diirada lagu saaray,

Dhamaadka Kulanka waxaa ka soo baxay qodoba  ku aadan xaaladdu uu dalka maraayo dhanka Siyaasadda, abaaraha, midnimada beesha iyo horumarinta maamulka Galmudug.

Xubnihii kulanka ka qeyb galay ayaa ka hadlay ahmiyada uu shirkan leeyahay iyo sida muhiim u tahay in beesha ay yeelato hogaan dhab ah,

ugu danbeyn Musharax Cabdi qaadir Maxamed Shirwac oo kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in Muhiim tahay in Beelweynta Habargidir yeelato midnimo iyo wadatashi dhab ah,

Musharax Cabdi qaadir Shirwac ayaa safar Gaaban ku soo  gaaray Caasimada Sweden Waxana isla maanta uu ka dhoofay Stockholm halkaasi oo masuuliyiin Galmudug ay ku sagootiyeen,

LEAVE A REPLY