Daawo Sawirada Safaarada Soomaaliya Ee Hindiya Oo Kullan Dhiiro Galin Ah La...

Daawo Sawirada Safaarada Soomaaliya Ee Hindiya Oo Kullan Dhiiro Galin Ah La Qaadatay Ardayda Wax Ka Barata Hydrabad

0
SHARE

HM_Hydrabad india Safaarada soomaaliya ee dalka Hindiya gaar ahaan qeybta waxbarashada ayaa kullan dhiiro galin waxbarasho ah la qaadatay ardeyda soomaaliyeed ee wax kabarada magaalada hydrabad.

Kullanka oo ahaa isbarasho iyo iswareysi qaybta waxbarashada safarada soomaaliya iyo ardayda wax ka barata magalada hydrabad ayaa ardeyda waxay ku soo bandhigeen caqabadaha ka haysta wax barashada iyo jamacaddaha ay wax kabartaan iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin in ay safaarada ka caawiso.

Amaal maxamed saciid hogaamo oo ah madaxa qeybta waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee safaarada soomaaliya Hindiya ayaa ardeyda u ballan qaaday inay ka caawin doonto caqabadaha ay sheegeen inay haystaan ardeyda.

Waxeyna ku dhiira galisay ardeyda caqabad walba oo kahor timaada inaysan ka niyad jabin waxbarashadooda oo ay horey u siiwataan.

Waxeyna u ballan qaaday amaal ardeyda hydrabad inay safaarada garab istaagi doonto iyagana wax walba oo ka hor yimaada la socod siiyaan safaarada si wax loogu qabto.

Ardayda soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada hydrabad ee dalka hinda ayaa gaaraya 6000 oo arday oo kala dhigta jaamacadaha kala duwan ee kuyaala magaalada hydrabad.

Waa markii ugu horeysay oo kullan noocaan oo kale ah ay wada qaataan ardayda wax ka barata magaalada hydrabad iyo safaarada soomaaliya ee dalka Hindiya qaybta waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare.

Hoos ka Daawo Sawirada 

LEAVE A REPLY