Daawo Sawirada Xildhibaan Galmudug ka tirsan oo Maanta Xarunta Barlmaanka Lagu Dhax...

Daawo Sawirada Xildhibaan Galmudug ka tirsan oo Maanta Xarunta Barlmaanka Lagu Dhax Garacaay Maxa keenay arintaasi?

0
SHARE

Xildhibaan Maxamed Xasan Geele oo kamid ah maamulka Galmudug ayaa maanta Feer ilkaha looga daa’diyey kadib dagaal ka dhashay kulan ay maantay iskugu yimaadeen baarlamaanka Galmudug oo looga doodayey waqtiga ay dhacayso doorashada madaxwaynaha galmudug,

Xildhibaanka ilkaha laga riday ayaa ka mid ahaa xildhibaanno soo jeediyey in la qaato Warsaxaafadeedkii ra’iisul wasaare khayre ee ahaa nin 45 cisho dib loo dhigo doorashada madaxwaynaha Galmudug, kadibna waxaa halkaas ka bilowday gacan ka hadal dhexmaray xildhibaanada Galmudug.

Sida aan Wararka ku helnay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Geelle ayaa is hortaag ku sameeyay kulanka Baralamaanka, waxa uuna Xildhibaanada u diiday in ay gudaha u galaan hoolka ay ku shiri lahaayeen oo kuyaala xarunta Madaxtooyada.

Xildhibaan Geelle oo kamid ahaa Xildhibaanadii mucaaradka ku ahaa Madaxweynihii Galmudug ayaa la sheegay in uu kasoo horjeeday in kulanka Baarlamaanka uu shir Gudoomiyo Gudoomiyaha Baralamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Xildhibaan kale oo katirsan Baarlamaanka Galmudug oo ka carooday ficilka uu sameenayay Xildhibaankan, waxaana la sheegay in uu dagaal la galay uuna halkaasi ku garaacay, Xildhibaan Geelle ayaa dagaalka ku waayay mid kamid ah ilkihiisa .

Ciidamada Amaanka iyo Xildhibaano ayaa markii dambe ku guuleestay in ay kala qabtaan Xildhibaanada dagaalamay, waxaana markii dambe xaalada noqotay mid caadi ah iyadoona kualnka uu u qabsoomay sidii loogu tala galay.

Labada Xildhibaan ee maanta ku dagaalamay xarunta Madaxtooyada Galmudug ayaa la sheegay in ay yihiin qaraabo ayna kasoo wada jeedaan magaalada Cadaado oo hada ah xarunta KMG uu ku shaqeeyo maamulka Galmudug.


LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.