Daawo Wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha ee Canada oo ku Dhawaqay in...

Daawo Wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha ee Canada oo ku Dhawaqay in Canada ay Gurmadka Abaraha ugu Talagashay 119 Malyan oo Dollar

0
SHARE

HM__Xafiiska Toranto Dowlada Canada ayaa Ku Dhawaqay in ay ka Qayb galayso gurmadka Abaaraha Dhawr Wadan oo ay Abaartu ay ku dhufatay wadamadaasi oo ay ka Mid Yihiin Soomaliya.

Ahmed Husein Wasiirka Socaalka, Qaxootiga iyo Jinsidaha ee Canada ayaa Sheegay in Dowladiisa ay Lacago    ka badan 119 Malyan oo Dollar  ay ugu Yaboohday Wadamada ay saameystay abaaraha Waxana uu sheegay in lacagahasi loogu Talagalay in gurmad lagu  gaarsiiyo dadka jilicsan oo ay abaartu saameysay

Waxa uu tilmaamay in Dowladiisu ay ka Jawaabtay Baaqii Qaramada Midobey isla Markana Waxa uu  ka codsaday Dowladha  Gar gaarka wadankooda laga Fuliyo iyo Kooxdaha Dowladahaasi ka Soo Horjeeda in ay Ogaladan in Gargaar dadka la gaarsiiyo

Soomaliya aya ka Qiyaasaya in ka Badan 21 Malyan  oo Dollar ay heli Doonto Lacagahaasi Dowlada Canada ay Abaraha ugu talagashay Waxana Jaaliyada Soomaliyeed ee Canada ay la Kulmeen Wasiirka Socaalka ,Qaxootiga iyo Jinsiyadaha Ahmed Husein iyagoona kala hadlay in Lacagahaasu Gacan Cadaalad ah La Galiyo si looga Faideyo Dumarka ,Caruurta iyo Dadka Jilicsan ee Abaartu ay Sameysay

Hooos ka Daaw Muqaalka

LEAVE A REPLY