Daraasad:-Salaadda oo Yareeyso Xanuunadda Dhabarka Haleela

Daraasad:-Salaadda oo Yareeyso Xanuunadda Dhabarka Haleela

0
SHARE

Daraasad cilmiyeed cusub ayaa sheetgay in dhaqdhaqaaqa joogtadda ah ay sameeyaan Muslimiintu inta lagu jiro salaadda in ay yareeyn karto laxowga/xanuunka qabyta dhabarka ugu hoseeysa,waxana sido kale ay kordhiyaan dabacsanaan xagga kala goysyadda , haddii si fiican loo sameeyo.

Daraasadan oo wargeyska «The Independent» ee British ka ah uu kasoo xigtay Majalladda Caalamiga ah ee Daraasadaha iyo nidaamka Engineering ka ee

«International Journal of industry and engineering systems» ayaa lagu faafiyay in dhaqdhaqaaqa isku xig¬xiga ee joogtada ah inta lagu guda jiro Salaadda aynan kaliya keenin inay saarto daalka qofka saaran laakiin sidoo kale dhab ahaan ay ka caawin karto in ay ka hortagto xanuunada/laxowyada jilbaha iyo laf¬dhabarta .

Majalladdan ayaa waxa ay u faahfaahisay akhristayaasheeda in Muslimiintu ay sameeyaan dhaqdhaqaaaqyo soo noqnoqda 5 salaaddooda ugu yaraan 5 goor maalintii iyo habeenkii waxana ay u macneeysay habka Rukuucda iyo Sujuuda.

Madaxa diyaariyay daraasadan Maxammad Al¬Khasawanah ayaa sheegay «In ay dhici karto in laga fikiro dhaqdhaqaaqayadan marka laga eego jimicsiga maalin waliba ah in uu yahay mid looga hortaggo xanuunadda dhabarka».

Majalladdan ayaa sheegtay in daraasadan ay ku jirtay qaybta nidaamka digital ka oo mataalada lagu sameeyo dhaqdhaqaaqa jirka ee loo baahan yahay inta lagu jiro salaadda iyo sida ay u saameeyn karto jirka,iyada oo matalaadan digital ka ah lagu faafin doono majallad cilmiyeedka daraasaddaha iyo engineering ka.

Waxa ay tilmaamtay majalladdan in daraasaddan matalaadda nidaamka digital ka ah lagu isticmaalay rag iyo haween gobollo kala duwan oo kamid ah dunida oo dhan si loo baaro saameeynta Salaadda ee yareeynta xanuunada dhabarka haleela.

Waxa qaybo kamid ah natiijooyinka daraasaddani lagu cadeeyay in ay jirto muhiimado kala duwa oo salaadu ay leedahay oo ay kamid tahay Sujuuda inay kordhiso dabacsanaan seedaha qaybaha dhabarka, taas oo ka caawisa oogaha salaadda in laga gudbo dareenka xanuunada.
WQ:- Abdiaziz Hasssan Ibrahim

LEAVE A REPLY