Dawo Sawirada Booliska Spain oo qabtay kumanaan Hub ah

Dawo Sawirada Booliska Spain oo qabtay kumanaan Hub ah

0
SHARE

Booliska Dalka Spain ayaa gacanta ku dhigay Hub aad u fara badan oo ay ka qabteen gudaha dalkaasi kaddib markii la helay warar dhinaca amniga ah.

Boolisku waxaa ay qabteen 10,000 oo Hubka culus, kuwa fudud iyo 400 oo Hoobiyayaal  isugu jira,waxaana ay sidoo kale qabteen dad loo heysto in ay hubkaasi iibinayeen.

Hubkan ayaa la sheegayaa in uu dalka Spain ka galay Dalalka Belguim-ka iyo Faransiiska,waxaana lagu qabtay Magaalooyin badan oo ku yaalla gudaha dalka Spain.

Kooxda Hubkan iibineysay ayaa waxaa ay si xirafadeysan hubkan ugu iibin jireen Xarumo Ganacsi oo Dukaamo waweyn ah kuwaas oo Afka hore looga xardhay Dharka Ciyaaraha una eg goob lagu iibiyo dharka Sportiga.

Booliska Spain ayaa  howlgalkan ka sameeyay Madrid, Bilbao, Valencia iyo  Gerona,iyaga oo kaashanaya Booliska Europe,waxaana ay ku guuleysteen in Hub badan oo suuq madow lagu iibinayay la qabto.

Lacagta Hubkaas uu ka joogo Yurub ayaa lagu sheegay in ay dhan tahay $85,000 oo Doollarka Mareykanka ah,waxaana hadda gacanta lagu hayaa 5;Qof oo loo qabtay falkan.

Europol,waxaa ay sheegeysaa in Hubkan uu yahay kii ugu badnaa ee 2014kii lagu qabtay Qaaradda Yurub,kaas oo la saadaalinayay in uu u gacan galo Argagixiso waxa ay ugu yeeraan Reer Galbeedka.

Xigasho:BBC.COM

LEAVE A REPLY