Deg Deg Madaafiic Khasaaro geesatay goordhaw lagu duqeeyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Deg Deg Madaafiic Khasaaro geesatay goordhaw lagu duqeeyay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

0
SHARE

waxaa goordhaw tiro madaafiic ah lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in Madaafiicda qaar ku dhaceen dhismayaal ku dhaw dhaw xarunta Villa Soomaaliya.

Ku dhawaad Shan Madfac ayaa goordhaw la maqlay kuwaa oo loo tuuray dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha Madaxtooyada Soomaaliya sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal.

Inta la ogyahay afar qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen Hoobiyaashan kusoo dhacay Madaxtooyada Soomaaliya iyo xaafadaha ku dhaw dhaw, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka.

Madaafiicda lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu dalka ka maqan yahay, mana ahan markii ugu horeesay oo madaafiic lagu garaaco xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

LEAVE A REPLY