Deg Deg Madaxweynaha iyo Ra,iisul Wasraha Soomaliya oo Kulan Dag Dag ah...

Deg Deg Madaxweynaha iyo Ra,iisul Wasraha Soomaliya oo Kulan Dag Dag ah isugu Yimid , Liiska Golaha Wasiirada oo Wali muran uu ka Tagan Yahay

0
SHARE

Kulan xasaasi ah oo albaabadu u xiran yihiin ayaa waxaa uu uga socdaa xarunta madaxtooyada Somalia Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo galabta ka soo laabtay safar saddex cisho qaatay oo uu ku tegay Kenya iyo raisul wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre.

Labada masuul ayaa sida wararku sheegayan kulankooda kaga wada hadlaya qaabkii loo maareyn lahaa caqabadaha guddoonka Baarlamanka iyo xildhibaanada qaarkood kala hor yimaadeen ansixinta golaha wasiirada cusub.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Madaxweynaha ayaa ku raacsan raisul wasaaraha inaan xiligan waxba laga bedelin golaha wasiirada cusub ee dhowaan la magacaabay, hase ahaatee waxay isla faaqidayaan sidii ay u heli lahaayeen wadooyin kale oo ay u maraan qancinta dhinacyada wax saluugsan, welina kulankan wax natiijo ah kama soo bixin.

Guddoomiyaha baarlamanka Somalia ayaa soo saaray shalay qoraal talo soo jeedin ku aadan in raisul wasaaruhu dib u eegis ku sameeyo golihiisa cusub ee wasiirada.

Jawaari ayaa sida uu qoraalkiisa ku sheegay qaatay talo soo jeedin ka timid xildhibaano boqol kor u dhaafaya oo sheegay in lagu xad gudbay habka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, waxayna sheegeen in ra’isul wasaaraha looga baahan yahay inuu dib ugu laabto magacaabida golihiisa Wasiirada.

Balse, waxaa la rumeysan yahay in diidmada Jawaari ay salka ku heyso ka dib markii liiska golaha cusub ee wasiirada uu ka waayey xubno uu doonayey in lagu soo daro.

Kulan deg deg ah oo xalay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ku dhexmaray raisul wasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamanka ayaa dhamaaday natiijo la’aan, waxaana isha lagu hayaa sida xukuumadan cusub ay uga gudbi laheyd caqabada ka soo wajahday baarlamanka.

LEAVE A REPLY