Dhageyso Booqashadiisa Soomaaliya Xoghayaha Guud Ee QM, Qudbado labada dhinac ay jeediyeen...

Dhageyso Booqashadiisa Soomaaliya Xoghayaha Guud Ee QM, Qudbado labada dhinac ay jeediyeen iyo Waxa laga Wada Hadlay

0
SHARE

waxaa Magaalada Muqdisho yimid Xoghayaha Guud ee QM  Antonio Guterres waxaana uu sheegay inuu u yimid Xaaladda Abaarta ah ee ka jirta Dalka Soomaaliya.

Antonio Guterres oo la hadlay Saxafadda ayaa sheegay in Beesha Caalamka iyo Hay’addaha Samafalka uu kala hadli doono sidii Dadka Soomaaliyeed ee Abaartu ay ku habsatay ay u heli lahaayeen Gargaar Deg deg ah si loo samatabixiyo.

Sidoo kale Antonio Guterres waxaa uu isla Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka baay,waxaana uu la kulmay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif xasan Sheekh aadan,iyadoo lagu wado inuu booqdo Isbitaalada ay jiifaan  Dadka uu soo ritay Xanuunka Shuban Biyoodka.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Antonio Guterres

LEAVE A REPLY